RW Xamse “Si barakaca loo joojiyo, waa inaan xoojinaa dagaalka aan kula Jirno AL-Shabaab”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya, mudane Hamza Abdi Barre oo maanta furay shir looga hadlayo xal u helidda barakaca, ayaa caddeeyay inay muhiim tahay in wax laga qabto sababaha keena barakaca oo ay ugu horreeyaan colaadaha iyo is-beddelka cimilada.
Mudane Xamse ayaa furitaanka shirka, oo socon doona saddex maalmood, ka sheegay in xukuumaddiisa oo ka shaqeyneysa in la helo xalka ugu haboon ee barakaca lagu xallin karo ay go’aansatay in Al-Shabaab lala dagaalo ilaa dalka dhan laga saaaro, si dadka ay soo barakiciyeen ee xoola dhaqatada iyo beeraleyda ah ay deegaannadoodii ugu laabtaan oo tacabkii iyo xoola dhaqashadii ay dib ugu billaabaan.
“Waxaa muhiim ah inay istaagaan sababaha ay dadku u barcayaan annagoo taa ka duuleynaya xukuumaddu waxay qaadatay inay Al-Shabaab la gasho dagaal bini’aadninimo oo lagu badbaadinayo nafta, maalka iyo sharafta ummadda Somaaliyeed”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.
Shirka qaran ee Barakacayaasha ayaa maalmaha uu socdo waxaa aad looga hadli doonaa xalka ugu habboon ee wax looga qaban karo dhibaatooyinka dadka Soomaaliyeed ee barakacay, waxuuna Ra’iisul Wasaaruhu kula dardaarmay ka qeyb galayaasha inay maskaxda shiilaan oo ay kulanka kasoo saaraan talooyin wax ku ool ah oo wax looga qabanayo aminga, bulshada iyo dhaqaalaha, sidoo kalana xal u noqon kara ku dhawaad saddexda Milyan ee gudaha dalka ku barakacsan, sidoo kalana looga hor-tegi karo barakac kale oo dheeraad ah.
War-bixinnadii ugu dambeeyay ee lasoo saaray bishii October ee sannadkaan waxay caddeynayaan in rabshado, amni xumo, abaaro iyo daadad is-biirsaday ay sababeen in 2,967,500 oo ruux ay ku barakacaan gudaha dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor