RW Xamse oo qaabilay Sii-hayaha Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo Xafiiskiisa ku qaabilay Sii-hayaha Safiirka  Safaaradda Jamhuuriyadda Jabuuti ee Soomaaliya Mudane Mohamed-Rashid Ibrahim Yuusuf, ayaa kala hadlay adkaynta xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dal iyo labada shacab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Jabuuti ay tahay dal walaal ah oo xiliyo adag soo garab taagnaa Soomaaliya, isla markaana ay xukuumaddiisu sii amba-qaadi doonto xoojinta xiriirka labada dal, isagoo uga mahadceliyey taageeradooda walaaltinimo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor