Shil Diyaarad oo ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde

Garoonka diyaaradaha Aadan cabdulle Cismaan Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay Shir diyaradeed oo khasaaro xooggan gaystay, iyadoo faah faahinno kala duwan ay kasoo baxayaan dhacdada ku aaddan diyaaradda ku gubanaysa Garoonka.

Wararku waxaa ay sheegayaan in Mid kamid ah Diyaaradaha Shirkadda Jubba Airways ay goordhaw ku burburtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde xilli ay soo cagadhiganeysay dhabaha Garoonka.

Dhammaan Rakaabka la socday diyaaradda ayaa laga soo badbaadiyay, mana jiro qasaare ah dhaafsiisan burburka diyaaradda, oo soo gaaray Rakaabka.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay arkayeen diyaaradda oo Mid kamid ah Baalasheeda dhulka ku dhufsatay kadibna kabaxday Dhabaha ay kusoo dageysay.

Waxaana sidoo kale Muuqaallo iyo Sawirro lagu baahiyay Baraha Internet-ka ay muujinayaa khasaaraha iyo Burburka Xooggan ee gaaray Diyaaradda, waxaana sidoo kale la arkay Qiiq iyo Uuro cirka isku shareeray.

Diyaaraddan oo ka timid Baydhabo ayaa waxaa saarnaa rakaab gaarayay 33 qof oo dhammaantood ka badbaaday shilkaas diyaaradeed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor