RW Xamse Barre oo sheegay in Xukuumaddu ay xoogga saareyso la dagaallanka musuqmaasuqa.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Xukuumaddu ay xoogga saareyso la dagaallanka musuqmaasuqa.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayey shirka Aggaasimeyaasha iyo Maareeyeyaasha Guud ee Dowladda ayaa intaas ku daray in Xukuumaddu mudnaan gaar ah siineyso isla-xisaabtanka, wuxuuna faray in ay ka miro-dhaliyaan qaraarkii Xukuumadda Dan-Qaran ee adkaynta hufnaanta maamulka iyo maareynta, kaas oo si cad u qeexayey ciribtirka musuqa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor