RW Xamse Barre oo kulan la qaatay Guddoonka Golaha Shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay ka qeyb galay casha sharaf uu Ra’iisul Wasaaraha XFS u sameeyay Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS.

Kulanka casha sharafta ah waxaa goob joog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, xubanaha Guddiga Golaha Shacabka BJFS iyo xubno ka socday Xukuumadda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa guddoonka iyo Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku ammaanay in kaalin muhiim ah ay ka qaateen golaha sharci dejinta habsami u socodka shaqada Xukuumadda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan  Madoobe ayaa xukuumadda kula dardaarmay in  shuruucda la ansixiyay ay muhiim u tahay in hore loo sii amba qaado shaqada golaha fulinta, si loo dardar geliyo howlaha baaxada leh ee horyaala, isagoona tilmaamay in la dhaqan geliyo looguna dhaqmo sida saxda ah ee loo ansixiyay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor