RW Xamse Barre oo ku dhawaaqay qiimaha Lacagta Xajka ee sanadkan 1444/2023

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa kaga dhawaqey qiimaha Xajka sanadkan 1444/2023 munaasabad galabta ka dhacdey Xarunta Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa Ra’iisul Wasaare Xamse ku maamuusay inuu isaga, si rasmi ah ugu dhawaaqo qiimaha xajka ee sanadkan iyo shirkadda diyaaradaha ee ku guuleysatey daabulka xujeyda.

Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa, xubno ka socdey Guddiga Awqaafta iyo Cadaalada BFS, Wakiilada xamladaha shirkadaha  adeega xajka iyo qaar kamid ah xubnaha guddiga adeega xajka ee Wasaaradda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor