RW Rooble “Waxaan rajeynayaa inay noo qabsoonto Doorasho nabdoon”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa u mahadceliyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Madaxda maamul Goboleedyada oo ka qeyb galay Shirkii Madaxda ee shalay ka furmay Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu ku sheegay in guud uu kusoo dhammaaday Shirkii labada maalin Madaxda uga socday Teendhada Afisyooni, isla markaana looga hadlaayay dardar-gelinta fulinta heshiiskii laga gaaray doorashada.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo lasoo gaba-gabeeyay ayaa laga soo saaray Jadwalka doorashooyinka dalka ka dhacaya oo muddo ku dhow uu ka taagnaa khilaaf xoogan oo qalalaaso siyaasaded geliyay Magaalada Muqdisho.

Rooble ayaa rajeeyay inay dalka ka qabsoonto doorasho daahfuran oo nabdoon, si waafaqsan jadwalka & habraacyada lagu heshiiyay, waxaana u yiri “Waan u mahadcelinayaa Madaxda Golaha Golaha Wadatashiga Qaran ,anigoo rajeynaya in ay noo qabsoonto doorasho daahfuran oo nabdoon,si waafaqsan jadwalka & habraacyada lagu heshiiyay”.

Madaxda ayaa isku raacay in doorashada Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ay dhacdo 25-ka bisha July 2021, halka Doorashada Golaha Shacabka la qorsheeyay in la qabto inta u dhexeeysa 15-ka Bisha July ilaa iyo 10-ka August.

Sidoo kale Jadawalka lasoo saaray ayaa waxaa lagu caddeeyay in Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay ka dhaceyso 10-ka Bisha Octoober ee sanadkaan 2021.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor