RW Rooble Rooble oo booqasho ugu tagay Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa booqasho iyo hambalyo ugu tagay guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Aadan Maxamed Nuur Madoobe iyo guddoomiyihii KMG ahaa ee Golaha Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad.

Ra’iisul Wasaaraha oo la afuray labada mas’uul ayaa guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ugu hambalyeeyay mas’uuliyadda Qaran ee loo doortay una rajeeyay guul.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddoomiyihii KMG ahaa ee Golaha Shacabka uga mahadceliyay howshii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay isagoo ku amnaanay sidii uu hoggaamiyay howshii doorashada guddoonka Golaha Shacabka oo si guul ah ku soo idlaatay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor