Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhaweeyay go’aanka ka soo baxay Guddiga Doorashada ee Heer Federaal kuwaas oo ay dib u celiyay kuraas ka mid aheyd doorashada Gollaha Shacabka ee la qabtay oo aan loo marin habraacii saxda ahaa.
Waxaana sidoo kale uu RW Rooble ku booriyay Guddiga Xallinta Khilaafaadka in iyaguna ay waajibaadkooda u gutaan si cadaalad ah oo waafaqsan Heshiisyada iyo Habraacyada doorashada ee laga soo gudbiyay cabashooyinka.
War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska RW Rooble ayaa lagu sheegay in arrimaah doorashooyinka uu u magacaabi doono wakiillo, kuwaasi oo si joogta ah ula socda arrimaha ku aaddan kuraasta la dooranaya.
Waxaana sidoo kale farriin loo diray guddiyada maamulka dioorashooyinka, taasi oo ku aaddan xulista Ergooyinka iyo cidda leh kuraasta markaasi howshooda lagu jiro.
Hadalka Rooble ayaa imaanaya iyadoo Guddiga doorashada ee heer federaal ay baaritaan ku sameeyay doorashada kuraas ka mid ah kuwa golaha shacabka oo doorashadooda lagu qabtay Muqdisho, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.
Waxaana War saxaafadeed ay soo saareen Guddiga Doorashada ee Heer Federaal ee FEIT ay go’aan ka qaateen doorashada kuraasta HOP154 iyo HOP103.
Guddigu waxaa ay caddeeyeen In kursiga sumadiisu tahay Hop154, habkii loo maray doorashadiisa aysan waafaqsanayn habraacyada doorashada, iyadoo murashax ka mid ah kuwii u tartamayey uusan buuxin shuruudihii murashaxnimada qodobkiisa 3aad ee heshiiskii 1 Oktoobar 2020.
Dhanka kale Kursiga uu tirsigiisu yahay Hop103, ayay Guddigu sheegeen in doorashdiisu ay tahay mid waxba kama jiraan ah oo dib loogu noqon doono, iyagoo sheegay in la tix raacayo go’aanka guddiga ee ku xusan warqadda sumadeedu tahay (TXR/GHD/0056/21) soona baxday 27 Noofeembar 2021, go’aankaas oo lagu hakiyey in la qabto dorashadiisa.