Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in Xukuumaddiisu ay ku shaqeyn doonto qorshaha horumarinta qaranka ee 9aad iyo natiijadii ka soo baxday shirarkii madaxda Qaranku ay ku yeesheen Samareeb iyo Muqdisho.
Banbaxa Golaha Wasiirrada maanta furmay ee halku dhiggiisu yahay “Daah Furnaan iyo Doorashooyin†ayuu tilmaamay Ra’iisul Wasaaruhu in wasaaradaha oo dhan laga rabo barnaamijkooda in ay ka soo dhex saaraan qorshe howleedka 100 maalmood ee soo socda, taa soo lagula xisaabtami doono Wasaarad kasta.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Xukuumaddiisu ay ka hortagayso wax walba oo keeni kara habacsanaan ku yimaada howllaha dowladda xiliga doorashooyinka, si taas looga hortagana golaha wasiirrada laga rabo in si miisaan leh u fuliyaan howlaha kaga aaddan doorashooyinka iyo waajibaadkooda shaqo ee kale.
Hadalka Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee ah in Xukuumaddiisa ka hortegeyso dib u dhac ku yimaada howllaha dowladda xiliga doorashooyinka ayaa kusoo aadayaa, iyadoo haatan Jadwalka Doorashada dowladda Soomaaliya uu dib u dhac ku yimid, isla markaana aysan jirin cid arrintaas ka hadashay.