Ra’iisul Wasaraha Xukuumadda Xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ka qeyb galay Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Dowlad-goboleedka Jubaland.
Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam, iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa si wadajir ah u gudoomiyay shirka Golaha wasiirada Dowlada Jubaland, waxaana shirka oo looga hadlay arrimo dhowr ah oo ku aaddan shaqooyinka horyaalla Golaha Wasiirada Maamulkaasi.
Shirka oo ay sidoo kale ka qeyb galeen wasiirrada Xukuumadda Federaalka ee Ra’iisul Wasaaraha ku wehliya socdaalkiisa Jubaland ayaa diiradda lagu saaray wada shaqeynta Wasaaradaha kala duwan ee heer federaal iyo Jubaland.
Ra’iisul Wsaare Maxcamed Xuseen Rooble oo shalay socdaal ku tagay Kismaayo ayaa kulamop kala duwan la qaatay qaar ka mid ah siyaasiyiinta maamulkaasi iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Reer Jubbaland.
Waxaana kulan gaar ahaa oo saacdo qaatay uu si gaar ah ula yeeshay Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolka Gedo, iyadoo si qoto dheer ay kaga wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ugu hooreyso xaaaldda siyaasadeed ee maamulkaasi, gaar ahaan arrimaha Gobolka Gedo.
Sidoo kale waxaa soo baxaya warar hoose oo sheegaya in Ra’iisul Wasaare Rooble uu ku wajahan yahay Magaalada Garbahaarrey ee Xarunta Gobolka Gedo, waxaana wararku intaas ku darayan in saacdaha soo aaddan uu RW Rooble gaaro Gobolkaasi.