RW ku-xigeenka dalka oo ka qeyb galay Shir looga hadlay Arrimo muhiim ah

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Salah Jama ayaa ka qeyb galay Shirka Isbeddelka Cimillada Afrika (ACS23) oo ka dhacay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen madax kala duwan oo ka socota Afrika iyo caalamka kale ayaa maalmaha uu socdo waxaa looga hadli hadlay cimillada adduunka ee sii kululaaneysa iyo sidii xal loogu heli karo caqabadaha iyo duruufaha ay keentay isbeddelka cimiladu.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda ayaa sheegay in khatarta labaad ee marka laga soo tago amniga iyo la dagaallanka argagaxisada soo wajahaysa dalkeena iyo dalal badan oo Afrika ah ay tahay dhibaatooyinka isbeddelka cimiladu keenay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor

Leave a Reply