Ra’isul-wasaare Mark Rutte ayaa sheegay inuusan qeyb ka noqon doonin Shir kasta oo ay Midowga Europe la yeeshaan Madaxweynahaj Raashiya, Valadamir Putin.
Hadalkaasi ayuu u sheegay Weriyayaasha markii uu tegay Xarunta Midowga Europe ee ku taalla caasimadda dalka Beljim ee Barasalis, wuxuuna xusay inuusan waxba ka qabin haddii ay HJoggaamiyayaasha dalalka Faransiiska iyo Jarmalka la kulmaan Madaxweynaha Raashiya.
Mar wax laga weydiiyey sababta uu u qaadacayo Kulan noocaasi ah waxa uu RW dalka Netherlands ku soo koobay Diyaaradii Duulimaadkeeda ahaa MH17.
Xiriirka Raashiya iyo Netherlands ayaa xumaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay, wuxuuna Khilaafkooda ugu weyn ka dhashay Diyaaradii Rakaabka ee Malaysia ee bishii July 17-dii ee sanadkii 2014-kii lagu soo riday Bariga dalka Yukrayn.
Diyaaradaasi oo Duullimaadkeedu ahaa MH17 waxaa ku wada dhintay Dhamaan 283-dii rakaab ahaa iyo 15-kii shaqaalaha ee Diyaaradaasi.
193 qof oo ka mid ahaa dadkii ku geeriyooday shilkaasi waxay u dhasheen dalka Netherlands.