RW Cumar ayaa u diraya hambalyo Ciidamadda Xooga Dalka Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirshid Cali Sharmarke ayaa hambalyo ku aadan sanad guuradii 55aad ee ka soo wareegtay asaaskii ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed u diraya Taliska guud ee Ciidanka, Hogaamada kala duwan, Abaanduulayaasha Ciidamadda, Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeenada, Alifleyda iyo Dablayda Ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed,

“Waa maalin taariikhi ah, waa asaaskii Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, oo ay maanta u buuxsantay 55 sano.Ciidamda Xooga Dalku waxay soo mareen marxalada kala duwan, waxayna gaareen inay ka mid noqdaan ciidamada ugu xooga badan Afirca. Ciidanka xooga dalka Soomaaliya waxay leeyihiin taariikh ay ku dheehan tahay Geesinimo, Adkaysi, Xeelado ay ku wajahaan cadowgooda, iyo Wadaniyad, waxayna ka soo qayb qaateen tababarida iyo dhisida ciidamada wadamo ka mid ah Afirica” ayuu yiri RW Cumar

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay bur-burkii dalka ka dhacay iyo dowlad la’aantii ku habsatay iney sababtay in ciidanka Xooga dalka Soomaalliyeed soo wajaho bur bur dhan kasta ah, waxaana sidoo kale bur buray dhamaan xarumihii ciidanka xooga dalka.

“Nasiib wanaag dowladihii dalka isaga danbeeyey 15-kii sano ee la soo dhaafay, waxay qayb muhiim ah ka qaateen yagleelida iyo dib u dhiska ciidanka, Dowlad kastana waxay soo gaarsiisay meel wax laga sii wadi karo. Waxaa ilaahay Mahadiis ah in maanta ciidanka leeyihiin talis guud oo ay hoos yimaadaan, Darajooyin ku salaysan aqoontooda iyo khibradooda, una babac dhigeen iney habeen iyo maalinba u soo jeedaan difaaca dalkooda iyo dadkooda anagoo og iney wali jiraan duruufo dhaqaalo iyo kuwo qalab”

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa sheegay in xukuumadiisu ay xooga saarayso in la mideeyo dhamaan ciidamada ku kala firirsan gobolada dalka, layskuna dhafo si loo helo ciidan qaran oo hal amar ku howl galo. taasna ay qab ka tahay safarka uu ku yimid Puntland,

“Ayadoo laga duulayo dhismaha ciidan qaran, xukuumadu waxay dhistay gudi ay hormuud u tahay Wasaarada Gaashaandhiga, gudigaas oo ka kala imanay gobolada dalka iyo maamul goboleedyada, si ay u sahlanaato dhisida ciidan qaran oo uu dalku yeesho. waxaan uga fadhinaa shacabka Soomaaliyeed iney garab ku siiyaan dowaldooda sidii dalkaan u heli lahaa ciidan qaran, taas oo noo sahli karta inaan cadowga ka sifayno goobaha ay uga harsan yihiin dalka, isla markaan kala wareega ciidamada AMISOM marka lagaaro 2017/ Waxaan leeyahay Geesiyaal adkeeya difaaca, xoojiya weerarada ka dhanka ah Cadowga, anaguna waxaan idinla garab taaganahay taageero nooc kasta ah. ” ayuu yiri RW Cumar

—DHAMAAD—

Diraac Salaad Fagaase
Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska RW
Garoowe, Puntland
[email protected]

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor