Hawlgalka Atlanta oo sheegay inaysan jirin Maraakiib lagu qafaashay Xeebaha Somalia

Taliyaha Hawlgalka Atlanta ee Midowga Europe ugu qaabilsan  La-dagaalanka Burcad-baddeeda, Jeneral Martin Smith ayaa sheegay inaysan jirin wax weeraro ah oo loo geystay Maraakiibta lixdii bilood ee la soo dhaafay.

Jeneralka oo u dhashay Britain waxa uu Suxufiyiinta kula hadlay magaalladda Beussels ee dalka Belgium, wuxuuna ka warbixiyey Hawlgalka Atlanta ee muddadii u dhexeysay bilihii January ilaa June ee sannadkan, oo ay yaraadeen weeraradii Burcad-baddeeda.

Taliyaha Hawlgalka Atlanta ee Midowga Europe ugu qaabilsan  La-dagaalanka Burcad-baddeeda, Jeneral Martin Smith Waxa kaloo uu sheegay in hoos loo dhigay Maraakiibta iyo Diyaaradaha loo adeegsado Hawlgalka Atlanta , maadaama lagu jiro xilliga Mansuumka.

Waxa uu xusay inay haatan  adeegsadaan Labo Markab Dagaal iyo Diyaarad nooca wax lagu basaaso, inakstoo ay Ciiddanka Atlanta horey ugu hawlgeli jireen 7 markab Dagaal iyo 3 Diyaaradaha wax lagu basaaso.

Dhinaca kale, mar uu ka hadlayey sababaha ay u yaraadeen falalkii burcad-baddeeda, waxa uu intaasi ku daray inay taasi ku timid dadaalka ay Ciiddanka Badda ee Hawlka Atlanta iyo Ilaaladda Gaarka ee gelbisa Maraakiibta Ganacsiga ee ka gooshta Baddaha Somalia.

Taliyaha Hawlgalka Atlanta ee Midowga Europe ugu qaabilsan  La-dagaalanka Burcad-baddeeda, Jeneral Martin Smith waxa uu ka digay inay weli jiraan cabsida Burcad-baddeeda ka qowleysata Baddaha Somalia.

© Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor