Ruushka oo shaaciyay in Dagaalka 3-aad ee Dunida ku bilaaban doonin Taangiyo

Ku-xigeenka Madaxa Golaha Ammaanka ee dalka Ruushka, Dimitry Medvedev ayaa hadalkaasi ku shaaciyey Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Telegram.

Dimitry Medvedev ayaa waxaa ku eedeeyey in Isku-dayga dalalka Reer Galbeedka ay Ukraine Hubka ugu soo dirayaan wax ay ku tilmaameen dadaal looga hortagayo Dagaal ka qarxa Caalamka.

“Haddii uu qarxo Dagaalka Saddexaad ee Adduunka (WWIII), inuusan ku bilaaban doonin Taangiyo iyo Diyaarado Dagaal ” ayuu yiri Dimitry Medvedev oo sii raaciyey haddii uu dagaalkaasi qarxo inay wax kasta boor noqon doonaan.

Hadalkiisa ayaa waxa uu si gaar ah ugu naqdiyey hadal uu Wasiirka Difaaca Talyaaniga,  Guido Crosetto uu ku sheegay inuu Dagaalka Saddexaad ee Adduunka qarxi doono haddii ay Taangiyada Raashiya soo gaaraan Caasimadda dalka Ukraine ee Kyiv iyo Xuduudaha Qaaradda Yurub.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor