Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Guddi u magacaabay xaqiijinta caddeymaha xubnaha Guddiga Maamulka doorashada ee labada heer ee Cabashada laga soo gudbiyay.
Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu sheegay in Guddi heer Wasiiro ah uu Rooble u magacaabay xaqiijinta caddeymaha xubnaha ku jira Guddiga doorashada ee horey cabshada looga soo gubiyay.
Magacaabista Guddigaan ayaa waxaa ay ku cadahay qodobka 1-aad ee heshiiskii dhawaan Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ay ka gaareen khilaafkii ka taagnaa doorashada dalka ka dhaceysa.
Guddigii doorashooyinka iyo kuwo xalinta khilaafaadka ee horey u magacaawday Xukuumadda Federaalka ayaa waxaa cabasho farabadan ka keenay Midowga Musharaxiinta, waxaana la sheegay inay ku jiraan Saraakiil Ciidan iyo shaqaale dowladeed.