Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Madaxda shanta dowlad Goboleed iyo Wakiilada Beesha Caalamka ayaa Maanta kulan gaar ah ku yeeshay Teendhada Afisyooni.
Kulanka ayaa waxaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda dalka iyo heshiiskii maalmo kahor Madaxda dowladda iyo kuwa maamulada ay ka wada gaareen khilaafkii ka tagaan doorashada dhaceysa.
Sidoo kale Madaxda dowladda, kuwa maamul Goboleedyada iyo Wakiilada Beesha Caalamka ayaa ka arrinsaday sidii looga wadashaqeyn lahaa sugida amniga doorashooyinka iyo fulinta heshiiska la gaaray.
Beesha Caalamka ayaa Madaxda Soomaalida ku boggaadisay heshiiska ay ka gaareen khilaafkii muddo ku dhow sanad ka taagnaa doorashada dalka ka dhaceysa, isla markaana xusay inay taageeri doonaan hanaanka doorashada.
Kulankaan ka dhacay Teendhada Afisyooni ayaa ku soo beegmaya, iyada oo khamiistii lasoo dhaafay heshiis labaad laga gaaray doorashada, ayna ka qeyb galeen Munaasabadda xeritaanka Shirka Madaxda DFS, Musharaxiinta, Wakiilo ka socday Beesha Caalamka, Mas’uuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.