Rasaas laga maqlayo gudaha Maqaayada Hilaac UK ee Muqdisho 

Wararka Idaacada Dalsan ka heleyso Wadada Maka Al-Mukarama ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in rag hubeysan ay ka dhex dagaalamayaan Maqaayada Hilaac UK oo ah halka markii hore qaraxa koowaad uu ka dhacay.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in Ciidamo farabadan oo ka tirsan dowlada halkaasi ay ku sugan yihiin,isla markaana waxaa la maqlayaa rasaas xoogan oo goobta ka dhaceysa.

Weerar ku bilowday qaraxyo ayaa Caawa lagu qaaday Maqaayada Hilaac UK oo ku taalla Wadada aadka u Mashquulka badan ee Maka Al-mukarama,waxaana ka dhashay Khasaaro iugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Weli si dhab ah Khasaaraha looma cadeyn karo maadaama goobta ay korontada ka maqan tahay,xili habeena tahay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media