Rasaas khasaaro dhalisay oo lagu furay Shacab ku sugnaa Gudaha M/Baladweyne

Faah faahino dheeraaad ah ayaa ka soo baxaya Nin Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan Maamulka Hir-Shabeelle ku rasaaseeyay dad Shacab ah.

Ninka ayaa la sheegay in uu ahaa mid Xanuunsan oo xoogaa madaxa looga jiro,islamarkaana uu rasaaseeyay dad ku sugnaa Gudaha Magaalada Baladweyne,waxaana la xaqiijiyay in rasaastaas uu ku geeriyooday 1 Qof halka 4 Qof oo kale ay ku dhaawacmeen sida uu Dalsan u xaqiijiyay qof kamid ah dadka Magaalada Baladweyne.

Ninkii Dilka aiyo dhaawaca geestay oo madaxa looga jiray ayaa la sheegay in iminka la qabtay halka dadkii dhaawaca ahaa lagu dabiibayo Isbitaalka Magaalada Baladweyne.

Dhacdadaan ayaa ah mid ku cusub Gudaha Magaalada Baladweyne waxa ayna walaac ku abuurtay Shacabka degmada Baladweyne.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media