Ra’isul-wasaaraha Talyaaniga oo cambaareeyey Alshabaab

Ra’isul-wasaaraha Talyaaniga, Matteo Renzi oo haatan booqasho ku jooga  caasimadda dalka Kenya ee Nairobi ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu la hadlayey Ardayda dhigata Jaamacadda University of Nairobi.

Waxa uu si kulul u camvbaareeyey  weerarkii ay Dagaalamayaasha Alshabaab bishii April ku qaadeen Jaamacadda Garissa, laguna dilay 148-qof.

Wuxuuna sheegay in weerar kasta oo lagu qaado Jamaacad la mid tahay weerar lagu qaaday qof kasta, waa sida uu hadalka u dhigay.

Ra’isul-wasaaraha Talyaaniga waxa kaloo uu sheegay inuusan Caalamka oggolaan doonin in la cabsi geliyo dad badan oo ku nool Calaamka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor