Hadal-qoraal oo uu soo saaray Ra’isul-wasaare Justin Trudeau ayuu ku cambaareeyey Toogashadii xalay ka dhacday Majis ku yaalla magaalladda Quebec (Kuebek), laguna dilay 6 qof, laguna dhaawacay 8 kale oo ka mid ah Jameecadii Salaadda Cishaha ku tukanaysay Masjidka.
“Waxaan cambaaraynaynaa weerarka Argagixisadda ee lagu qaaday Muslimiin ku sugan Xarun Cibaadaysi” ayuu yiri Ra’isul-wasaaraha Kanada, wuxuuna intaasi ku daray inay niyadiisa la jirto Dhibanayaasha iyo Qoysaskooda.
Madaxa Masjidka la weeraray, Maxamed Yangui waxa uu ku tilmaamay toogashadaasi fal badownimo.
Goobjooge ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka ee REUTERS inay 3 dabley ah rasaas ku fureen ku-dhawaad 40 qof oo ku cibaadaysanaysay Majidka.
Boliska magaalladda Quebec waxay sheegeen inay xireen 2 qof oo lagu tuhunsan yahay weerarkaasi.
Dhinaca kale, Toogashadaasi ayaa timid, hal maalin kadib, markii uu Ra’isul-wasaaraha Kanada sheegay inay soo dhaweynayaan Qaxootiga uu Madaxweynaha Maraykanka u diiday inay soo galaan Maraykanka.
©Radio Dalsan