Sacadiin Al-cuthmaani ayaa sheegay inuu ku guuleystay Dhismaha Xukuumad Isbahaysi ah, o oka kooban 6 Xisbi, si loo soo af-jaraysa 5 bilood oo is-marin-waa siyaasadeed  ka jiray dalkaasi.
RW Moroko oo 61-jir ah ayaa hadalkaasi ka sheegay Shir Jaraa’id oo u uku qabtay caasimadda dalkaasi ee Rabaat, wuxuuna xusay in la gaaray Heshiis ay 6-da xisbi kaga mid noqon doonaan Xukuumadda cusub.
Xisbiga RW ee Islaamistaha PJD ayaa ku guuleystay doorashadii Barlamaanka ee dalkaasi ka dhacday bishii Octobeer ee sannadkii hore, balse kuma guuleysanin Kuraas ku filan inuu Xisbigiisa ku maamulo Xukuumadda cusub.
Isbahaysiga 6-da Xisbi ee soo dhisay Xukuumadda Wadaag waxay Aqalka Hoose ee Barlamaanka ku leeyihiin 240 Kursi oo ka mid ah 395-ka Kursi ee uu ka koobmo Aqalkaasi.
©Radio Dalsan