Baraha ay Bulshadda ku wada xiriiraan ee Social Mdedia waxaa si xooggan loogu cambaaraynayaan Hadal Baaq ah oo uu Ra’isul-wasaarihii hore ee Kenya, Raila Odinga ku sheegay in Somaliland loo aqoonsado Dal ka madax bannaan Qaranka Somalia.
Raila Odinga ayaa waxa uu hadalkaasi ka sheegay mar uu bishan July 29-dii Khudbad ka jeediyey Hay’adda Chattam House Afrika oo ah Hay’ad Cilmi-baaris ku samaysa Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Horumarinta Dimuqraadiyadda ee Waddamadda Afrika.
Raila Odinga waxa uu ka dhawaajiyey Aragtidiisa uu ku taageerayo in Somaliland loo aqoonsado Waddan ka madax-bannaan Somalia, waa sida uu Ra’yi ahaan aaminsan yahay.
.@RailaOdinga states his personal support for the recognition of#Somaliland‘s independence#CHAfrica
Sidoo kale, Raila Odinga waxa uu bartiisa Twitterka ee @RailaOdinga ku qoray inuu shaqsi ahaan taageerayo Madax-bannaanida Somaliland.
Dhinaca kale, Safaaradda Somalia ku leedahay Kenya waxay si kulul u cambaareeyeen Hadalka Raila Odinga, oo ay ku tilmaamtay Mas’uuliyad-xumo iyo fal lagu dhaawacayo Midnimadda, Madax-bannaanida iyo Xuduudaha Somalia.
Qoraal ay Safaaraddu soo dhigtay Bartooda Twitterka ee @SomaliEmbKenya ayaa lagu xusay in Sharafta iyo Qaranimda dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya tahay mid Muqadas ah oo aan la kala dhantaali Karin.
Irresponsible & damaging STATEMENT. Unity, sovereignty & territorial integrity of #Somalia is inviolable #CHAfricahttps://twitter.com/AfricaProg/status/758998082377781248 …
Ra’ila Odinga oo Ra’isul-wasaare ka soo noqday dalka Kenya muddadii u dhexeysay sannadihii 2008-dii ilaa 2013-kii ayaa u muuqda Shaqsi ku fashilmay Hankiisa Siyaasadeed oo si toos ah faragelin ugu haya Arrimaha dalka Somalia.
Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Kenya uma aqoosana Somaliland Waddan Madax-bannaan, inkastoo ay jiraan Siyaasiyiin iyo Ganacsato Kenyan u ololeynayo Aragtida ah Ganacsiga Qaadka in lagu bedesho Ictiraafka Somalia.
Ma jirto Dowlad aqoonsatay Somaliland oo sheegtay inay Somalia ka go’day sannadkii 1991-dii, balse weli la’ Ictiraaf Caalami ah.
©Radio Dalsan