Ra’iisul Wasaare Xamse oo War cusub kasoo saaray Dagaalka ka socda Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ka hadlay dagaalka galay maalintii 12-aad ee ka socda magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, kaasi oo u dhexeeya ciidanka degaanka iyo ciidanka maamulka Somaliland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa uu sheegay in wax laga xumaado ay tahay in maanta dhiig shacab Soomaaliyeed ku qubanayo magaalada Laascaanood, isla markaana ayaan darro ay tahay in dad Soomaaliyeed ay tobobaadkii labaad dagaal dhexmarayo.

Xamse Cabdi Barre ayaa Maamulka Somaliland iyo ciidanka degaanka ee Laascaanood ugu baaqay in si shuruud la’aan ah lagu joojiyo colaadda, isla markaana dhinacyadu ay dhaqangaliyaan xabad joojin, miiska wada hadalkana, la isugu yimaado.

Khasaaro lixaad leh ayaa ka dhashay dagaaladii Laascanood ka dhacaayay maalmihii lasoo dhaafay, ciidamada maamulka Somaliland ayaa madaafiic xooggan ku garaacayay goobo ay ku sugan yihiin dad shacab ah, waxaana madaafiicda ku dhintay dad badan.

Somaliland ayaa ku dhawaaqday xabad joojin, in kastoo aysan dhaqan gelin, dhanka kale hoggaanka Garaadada Gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn ayaa waxaa ay sheegeen in ciidanka maamulkaas ay duullaan kusoo qaadeen dadka Laascaanood, ayna iska difaaceen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor