Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa si kulul u cambaareeyay Qaraxii khasaaraha dhaliyay ee ka dhacay Maqaayad ku taalla Aga-gaarka Isgooyska Jubba.
Qoraal uu soo saaray RWRooble ayuu kaga hadlay Qaraxa, waxaana uu sheegay in Al-shabaab ay ka dambeeyeen Qaraxaan Ismiidaaminta ahaaa.
“Waxaan cambaareynayaa qaraxii argagixisada Alshabaab galabta ka geysteen Muqdisho oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
Inta dhimatay Allaha u naxariisto, dhaawacyadana Allaha bogsiiyo. falkan bahalnimada iyo arxan darrida ah waxa uu muujinayaa sida ay argagixisada uga go’antahay waxyeelleynta shacabka, taas oo waajib nooga dhigeysa in aan isu kaashanno la dagaallanka iyo ciribtirka argagixisada noo diiddan nabadda iyo dowladnimada” ayuu yiri RW Rooble.