Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta oo tallaado Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ka furay Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada.
Shirka ayaa inta uu socdo waxaa looga hadli doonaa Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin dardar gelinta qorsheyaasha Xukuumadda hortabinta u leh, gaar ahaan Doorashooyinka, Amniga, Kordhinta Dhaqaalaha.
Sidoo kale Qodobada looga hadlayo Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada Xukuumadda ayaa kamid ah Arrimaha Daynta cafinta, horumarinta bulshada, Caddaaladda iyo Qorshaha waxqabadka Xukuumadda ee 100-ka maalmood.
Furitaanka Shirkaas ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Golah Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Guuleed iyo dhammaan Golaha Wasiirada iyo Wasiiro ku-xigeenada Xukuumadda Soomaaliya.