Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta oo Shir Deg-deg ah ku baaqay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku baaqay shir deg deg ah oo xal loogu raadinayo xiisadaha dagaal ee ka taagan Magaalada Muqdishu ee Caasimadda Soomaaliya.

Ra’iisusl Wasaare Rooble oo la kulmay Ururrada Bulshada Rayidka ah ayaa ku baaqay shir deg deg ah oo xal loogu helayo qalalaasihii ka dhacay Muqdisho.

Waxaana uu intaas ku daray in ay xukuumaddiisa ay doonayso in sida ugu dhaqsiyaha badan uu ku qabsoomo Shirkaasi xalka loogu raadinayo Dagaalada ka socda Muqdisho.

Horay Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo Xalay goor dambe la hadlay warbaahinta wax laga xumaado ku tilmaamay dagaaladii shalay ilaa xalay ka dhacay Muqdisho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor