Ra’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna siihayaha Ra’iisul wasaaraha dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta kulan la qaatay qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Wasaaradda maaalityadda iyo Khubaro xagga dhaqaalaha ah.
Intii uu kulank socady ayay mas’uuliyiintu ka wada hadleen sida loo horamarin karo nidaamka maamulka maaliyadda ee qaranka iyo dowlad wanaagga.
“Waxaan maanta warbixin ku saabsan xaaladda dib u habeynta dhinaca dhaqaalaha ee dalka ka dhageystay wasiirrada ku shaqada leh iyo khubaro. Waxaan si aad ah uga shaqeyneynaa xoojinta dhaqaaleheenna, horumarinta nidaamka maamulka maaliyadda ee qaranka iyo dowlad wanaagga” ayuu yiri Mahdi Maxamed Guuleed.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa tan iyo markii xilka laga qaaday Xasan Cali kheyre Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya waxaa uu waday dar-dar galinta shaqooyinka wasaaradaha kala duwan ee dowladda, waxaana xusid mudan mashruucyo iyo howla kale ay dar-dar galiyeen wasaaraduhu.