Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Itoobiya oo Maanta soo gaaray Muqdisho

Wafdi uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka arrimaha Dibadda dalka Itoobiya Demeke Mekonen ayaa Maanta soo gaaray magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa wafdiga ka socday Itoobiya kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Huruuse iyo mas’uuliyiin kale.

Ujeedka wafdigaan ee caasimadda Muqdisho u yimideen ayaa ah ka qeyb galka shirkii ugu horreeyay ee Guddiga wadajirka ah ee Wasiirada Soomaaliya iyo Itoobiya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor

Leave a Reply