Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo shir uga qeybgalaya Itoobiya

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed  Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaya ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya.

Wafdiga Ra’iisul Wasaare ku xigeenka waxaa halkaas ku soo dhaweeyey Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Dalkaasi Itoobiya Maxamed Cali Nuur, masuuliyiin iyo diblomaasiyiin ka tirsan Dawladda Ethiopia.

Ujeedada socdaalka Wafdiga Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa la xiriirta ka qeybgalka  munaasabada xuska 12aad ee 29ka Hidhaar maalinta Qowmiyadaha dalkaas Itoobiya oo maalinta bari ah ka qabsoomi doonta xarunta dawlad deegaanka canfarta ee magaalada samara.

Waxaa lafilayaa in ay halkaasi khudbado ka jeediyaan madax kaladuwan oo ka qeybgalaysa,iyadoo lafilayo in ku xigeenka raiisul Wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed(Qadar) uu halkaas ka jeediyo uu kaga hadlidoona ahmiyadda munaasabadda iyo xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sidoo kale Mudane Mahdi Maxamed guuleed Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya inta uu joogo dalka Itoobiya waxuu kulamo kala duwan la yeelan doonaa madaxda dalkaas, iyagoo ka wada hadlaya xiriirka, iskaashiga iyo arrimo kale oo muhiim u ah labada dawladood.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media