Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta Faaduma Axmed Nuur ayaa Maanta loo dhaariyay xilalka loo magacaabay.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa Mahdi Guuleed iyo Faaduma ku dhaariyay Xarunta Villa Hargeysa oo uu ka dhacay kulan ay yeesheen Xildhibaanada Golaha Shacabka.
“Waxaan maanta tagay Xarunta Golaha Shacabka aniga oo gutay dhaarta dastuuriga ah, waxaan Eebbe ka baryayaa in uu igu garab galo howsha qaran ee la ii igmaday†ayuu yiri Mahdi Guuleed oo Qoraal soo saaray.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ayaa dalka ka maqnaa markii la dhaarinayay Golaha Wasiirada Cusub ee Ra’iisul Wasaare Rooble, waxaana Mahdi uu safar ugu maqnaa dalka Uganda, isagoona dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho.
Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka ayaa maalintii sabtida aheyd Codka kalsoonida ah siiyay Golaha Wasiirada Cusub ee Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyagoo la dhaariyay Golaha.