Golaha Wasiirada oo loo soo Bandhigay Miisaaniyadda Dowladda ee 2021-ka

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa Maanta Golaha Wasiirada Cusub u gudbiyay Miisaaniyadda Dowladda ee 2021-ka, waxaana wasiirada Cusub ee Xukuumadda uu la wadaagay faahfaahinta Miisaaniyadda Dowladda.

Wasiir Beyle oo kulanka kadib Qoraal soo saaray ayaa sheegay in kulanka uu ahaa sidii la isaga isaga kaashan lahaa dar-dargalinta iyo sare uqaadidda Dakhliga Gudaha Dalka.

“Maanta waxa aan Wasiirada Cusub ee Xukumadda la wadaagnay faahfaahinta Miisaaniyadda Dowladda ee 2021-ka oo hada diyaarinteedu ay gabo-gabo tahay.Muhiimadda kulankeenuna waxa uu ahaa sidii aan isaga kaashan laheyn dar-dargalinta iyo sare uqaadidda Dakhliga Gudaha Dalka.Waxa aan u mahadcelinayaa R.wasaare ku xigeenka Xukumadda Mahdi M. Gulaid oo shir gudoon inoo ahaa, sidoo kale waxa aan dhankooda u mahadcelinayaa Wasiiradii fikir iyo talaba nala wadaagay” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media