Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa waxaa la filayaa in Maanta oo tallaado ah ay gaaran Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.
Safarka Ra’iisul Wasaare Kheyre ee Dhuusamareeb ayaa waxaa ku wehlin doona sida uu qorshahu yahay Wasiiro ka tirsan Xukuumaddiisa, iyagoona saacadaha soo socda tegi doona halkaas.
Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa aqbalay casuumadii uga timid Madaxda maamul Goboleedyada dalka ee aheyd in shir la isugu yimaado, si looga wada hadlo Arrimaha Doorashooyinka Qaranka iyo xalinta Khilaafyada jira.
Madaxda maamul Goboleedyada ayaa Shir ku yeeshay Caasimadda Galmudug, iyagoona isku raacaday in Doorashada dalka ka dhaceysa ay ku dhacdo waqtigii loogu tala-galay, isla markaana aysan dhici muddo kororsi.
Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu wadaa in maalmaha soo socda uu ka furmo wejiga labaad ee Shirka Madaxda maamul Goboleedyada dalka iyo Madaxda dowladda Federaalka, si heshiis looga gaari Arrimaha Doorashada iyo qodobo kale oo jira.