Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaminayo ayaa gaaray Magaalaad Dhuusamareeb ee Caasimadda dowla Goboleedka Galmudug,iyadoo halkaasi lagu soo dhaweeyay.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa waxa wafdiga la soco waxaa kamid aha xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada,Saraakiil Ciidan iyo Madax kale oo ka tirsan dowladda,waxaana Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Madax ka tirsan mamulka Galmudug iyo kuwa Ahlusunna Waljameeca.
Ujeedka Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya Xasan Cali Kheyre u gaaray Dhuusamareeb ayaa waxaa tahay in sidii Madaxda Ahlusunna Waljameeca ee Galmudug ku biirtay uu kala hadli arrimaha Doorashada dowlad Goboleedka Galmudug oo la filayo in dhawaan ay dhacdo.
Sidoo kale Xasan Cali kheyre inta uu halkaasi uu ku sugan yahay ayaa waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan Magaalada Dhuusamareeb.
Ammaanka guud ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa Caawa aad loo adkeeyay,waxaana sugida amniga iska kaashanaya Ilaalada gaarka ah Ra’iisul Wasaare Kheyre,kuwaasi oo halkaasi Maanta goorsii hore gaaray,Ciidamo Danab ah iyo kuwa maamulka Galmudug.