Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Caawa ku soo laabtay Magaalada Muqdisho

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo wafi uu Hoggaaminayo ayaa caawa kasoo degay garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, kadib markii  Magaalada New York ee Dalka Mareykanka ay uga qeyb galeen Shirweynahii 72aad ee Golaha guud ee Qaramada midoobay.

Ra’isul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyey Masuuliyiin ka tirsan Madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho ee aadan cadde ayaa shaqo bilaabay xilliga habeenkii ah, waxaana imaatinka Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa xilli habeen ah ay ku tusineysaa Horumarka ka hana qaaday Magaalada Muqdisho iyo Amniga la isku haleyn karo ee ka jira Caasimada.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media