Ra’iisul Wasaare iyo Golihiisa Wasiirada oo qaatay tallaalka COVID-19

Ra’iisul Wasaaraha dalka Suudaan Cabdalla Xamduuk iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiiradda ayaa waxaa si saf-mareen ah looga tallaalay Cudurka halista ah ee COVID-19.

Tallaalkaasi waxaa kaloo qaatay Shaqaalaaha ka hawl-gala Xafiisyada Wasiiradda ee dalkaasi, iyadoo Tallaalkaasi laga muujinayey sida loogu baahan yahay inay Muwaadiniinta Sudan iska wada tallaalaan Xanuunka Laayaanka ee Coronavirus.

Wasiirka Caafimaadka ee dalkaasi, Cumar Axmed Al-najiib ayaa sheegay inuu Tallaalkaasi qeyb ka yahay Ololaha Tallaalka ee laga fulin doono guud ahaan dalkaasi.

Guud ahaan, Tirada dadka Reer Sudan ee laga helay COVID 19 waxay gaarayaan 31,407 oo qof, halka ay 24,079 kalena ka bogsadeen, waxaana u dhintay 2,041 qof.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor