Taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya Jeneraal Berhanu Jula, ayaa sheegay in ciidamadiisu si buuxda gacanta ugu dhigeen Caasimadda Gobolka Tigree-ga ee Mekelle.
War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa lagu sheegay in Magaalada Mekelle ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidanka Federaalku, taas oo calaamad u ah soo afjaridda wajigii ugu danbeeyay howlgalka sharci soo celinta sida lagu sheegay qoraalka.
Ciidanka ayaa la wareegay goobaha mihiimka ah danta guud sida garoonka diyaaradaha iyo xafiisyada heyadaha dowladda.
Sheegashadiisan dowladda Federaalka Itoobiya ayaan ilaa haatan cid madax bannaan oo xaqiijinaysaa jirin.
Dhanka kale, xoogagga Tigree-ga ayaan iyaguna ilaa haatan dhinacooda fal celinin hadalkaa uu shaaciyey Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.
Mar sii horaysay ayaa hogaamiyaha xoogagga fallaagada ah ee gobolka Tigree-ga ayaa sheegay in ciidamada dawladda Itoobiya bilaabeen guluf ay doonayaan in ay ku qabsadaan magaalada Mekelle ee caasimadda gobolkaas.