Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow gaaray Degmada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.
Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdiga la socda oo ka soo ambabaxay Magaalada Baydhabo ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Ceel-jaale kusoo dhaweeyay Madaxweyne Lafta-gareen iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.
Intaasi kadib ayaa waxaa loo galbiyay gudaha Degmada,halkaas oo kusoo dhaweyen Dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid xaafadaha Magaalada Marka oo soo buux dhaafiyay halka loogu tala galay in lagu soo dhaweyo Xasan Cali Kheyre.
Ciidamada Nabadgelyada ayaa si aad ah u xoojiyay amniga magaalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana shacabka iyo maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ay qorsheeyeen in Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ay dadweynaha kula hadlaan Barxadda Minishiibiyada magaalada Marka.