Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Amiirka Qadar oo ka hadlay xiriirka labada dal

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharma’arke iyo Amiirka Dowladda Qadar  Sheekh Xamad Bin Khalifah ayaa maanta ku kulmay Magaalada Dooxa ee Wadanka Qadar.

Labada Masuul ayaa ka wada hadlay xiriirka Labada Wadan iyada oo ay kala saxiixdeen heshiisyo kala duwan.

Dhanka Kale Wasiirada  Arimaha Dibadda labada Dowladood iyo Wasiiradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada labada Wadan ayaa kala Saxiixday Heshiisyo Dhowr Qodob ka kooban oo ay ka mid ahaayeen in Diyaaradda Qadar Airways ay Dalka Soomaaliya ka bilowdo Duulimaad toos ah.

Dowaldda Qadar ayaa shaaca ka qaaday in ay garabtaagan tahay dowladda Soomaaliya islamarkaana xukuumadda ay ka caawin doonto dhinacyo fara badan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor