Gudoomiye kuxigeenka dhinaca siyaasada Gobolka Banaadir oo la magacaabay

Wareegto Kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud ayaa Waxaa lagu magacaabay Gudoomiye kuxigeenka dhinaca siyaasada ee Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye.

Digreetadan ayaa timid kadib markii uu geeriyooday Maxamed Aadan Guuleed (Caana Geelle) oo ahaa Gudoomiye kuxigeenkii dhinaca siyaasada ee Gobolka Banaadir.

Maxamed Axmed Diiriye ayaa waxaa loogu baaqay in uu si wanaagsan u guto shaqada loo soo igmaday.

Masuulkan la magacaabay ayaa ayaa waxaa dhalay Nabadoon Axmed Diiriye oo ahaa Afhayeenkii Odayaasha Beelaha Hawiye.

Gudoomiye kuxigeenkii hore ee dhinaca siyaasada Gobolka Banaadir Maxamed Aadan Guuleed (Caana Geelle) ayaa ku geeriyooday weerar 20-kii bishii Febraayo ka dhacay Hotelka Central ee Magaalada Muqdisho.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor