Ra’iisul Wasaaraha Somaaliya oo goordhow gaaray Bali-Doogle

Ra’iisul Wasaraha Somaaliya Xasan Cali kheyre iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray Saldhig Ciidamada dowaldda Somaaliya ay ku leeyihiin agagaarka Garoonka Diyaaradaha Bali-Doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Madaxweynaha ayaa Safar dhanka Cirka ah halkaasi ku tagay,waxana Garoonka Diyaaradaha Bali-Doogle ku soo dhaweeyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka oo halkaasi ku sugayay.

Ra’iisul Wasaraha ayaa hada ku sugan Saldhig dhawaan halkasi laga furay oo ay ku sugan yihiin Ciidamo farabadanaoo ka tirsan kuwa dowladda Somaaliya kuwaas oo dhawaan la qorsheeyay in ay bilabaan howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan la qaadan doona Saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka isagoo kala hadli doona dhamestirka qorsha la dagaalanka Al-Shabaab.

Goordhow la socda Sawirada Booqashada

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media