Ra’iisul wasaaraha India Narendra Modi ayaa warqad u direy dhigiisa Pakistaan Cimraan Khaan, isagoo ku sheegay in uu doonayo in xiriir saaxiibtinimo la yeesho Pakistaan, sida ay shegeen mas’uuliyiinta.
Modi ayaa talaaladadii u direy warqad Pakistan isagoo ugu hambalyeeyay maalinta xoriyadda dalka oo ku beegan 23 Maarso.
Labo mas’uul oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Pakistaan ayaa wakaaladda wararka AP u xaqiijiyay fariinta uu xambaarsan yahay dhambaalka.
Asad Cumar oo ah Wasiir ka tirsan Pakistan ayaa twitter ku soo qorey in warqadda Ra’isul Wasaare Modi tahay mid muujinaysa niyad wanaag.
Fariinta Ra’iisul Wasaaraha ayaa qeyb ka ah talaabooyin isdaba joog ah oo ifinaya dib u heshiisiin, xilli labada dhinac hadda leeyihiin wadahadalo ku saabsan qeybsiga biyaha webiga Indus.
Dhowaan, Ra’iisul wasaaraha Pakistan Cimraan Khaan waxaa uu sheegay in uu doonayo in xiriir wanaagsan la yeesho India, hase yeeshee in talaabada ugu horeysay looga fadhiyo in ay qaaddo New Delhi, maadaama soo jeedin horey uu u sameeyay aan jawaab fiican laga bixinin.