Hadal ka soo baxay Ciiddanka Ammaanka ee dalka Sudan ayaa lagu sheegay inay gacanta ku dhigeen 9 xubnood oo ka tirsan Al-Qaacida, kuwaasi oo qorshnayey inay qaraxyo ka geystaan Waddan ka tirsan Dalalka ku yaalla Gacanka Khaliijka oo aan la magacaabin.
Eedeysanayaasha la qabtay oo watay Baasaboorka dalka Syria waxay asal ahaan ka soo kala jeedaan dalalka Tunisiya iyo Chad.
Dhinaca kale, Dowladda Tunisiya waxay ka codsatay Dowladda Sudan in loo soo gacan geliyo mid ka mid ah Eedeysanayaasaha, kaasi oo horey uga qeyb qaatay Weerar lagu qaaday Dalxiisayaal shisheeye oo ku sugnaa magaalladda Suuse oo 140 Kiilomitir dhanka Koonfur kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Tuunis.