Rasaas xoog leh ayaa laga maqlayaa gudaha Jaamacada Kabul ee dalka Afganistaan, halkaas oo kooxa hubaysan ay gudaha ugaleen, sida ay sheegayaan warbaahinta maxaliga ah ee dalkaas.
Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Booliska dalka Afganistaan ayaa hareereeyay Xarunta Jaamacadda ee ragga hubeysan gudaha u galeen oo ay ka socotay Munaasabad lagu soo bandhigay buug xiliga la weerarayay.
Warar hordhac ah oo la helayo ayaa sheegaya in Ilaa iyo hadda 6 qof ay ku dhaawacmeen weerarka, sida uu xaqiijiyay Afhayeen u hadlay Wasaarada caafimaadka dalka Afganistaan.
Sidoo kale Afhayeenka ayaa warbaahinta Afganistaan u sheegay in weli uu weerarka ka socdo gudaha Xarunta Jaamacadda Kabul, isal markaana ay ka dhex dagaalamayaan rag hubeysan, xili halkaas ay ku sugan yihiin dad farabadan ayna ka socotay Munaasabad.
Afhayeenka ayaa sheegay in Ciidanka amniga dowladda ay wadaan howlgal lagu doonayo in lagu soo afjayo weerarka, isagoo intaas sii raaciyay in weli la maqlayo dhawaqa rasaas xoogan.
Dalka Afganistaan waxaa ka dagaalanta kooxda Daalibaan oo dagaal kula jirta ciidamada dowlada Iyo kuwa Ajaaniibta ah ee dalkaas ku sugan.