Wararka aan ka heleyno duleedka deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaas lagu dilay Afar ruux oo la sheegay inay hubeysnaayeen.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowladda ayaa waxaa ay sheegeen in raggaas la dilay ay doonayeen inay weerar ku qaadan Saldhiga Ciidanka ay ku leeyihiin duleedka deegaanka Bariire, hayeeshee ay ka hortegeen.
Waxaa kaloo Saraakiisha Ciidanka dowladda Federaalka ay tilmaameen in raggaas ay ka tirsanaayeen Al-shabaab ayna qorsheynayeen inay weeraran Ciidanka.
Dadka deegaanka ayaa soo weriyay in xalay ay maqlayeen rasaas la isdhaafsanayay, wallow daqiiqado kadib ay rasaasta istaagtay, iyagoo xusay in markii dambe ay arkeen Meydadka Aafar ruux oo la dilay.
Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa inta badan xiliyada habeenkii ah weeraro ku qaada Saldhigyada Ciidanka dowladda Federaaka iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin deegaaao ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana weeraradaas ka dhasha Khasaarooyin kala duwan.