Diiwaan-gelinta Musharaxiinta Guddoonka Baarlamaanka KGS oo Maanta bilaabaneysa

Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta oo Axad ah waxaa la wadaa inay si rasmi ah uga bilbaabato Diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartameysa xilka Guddoonka Baarlamaanka labaad ee Koonfur Galbeed.

Guddiga Doorashada oo soo saaray qoraal ayaa waxaa ay ku sheegeen in Maanta la bilaabayo diiwaan-gelinta Musharaxiinta xilka  Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku-xigeen ayna ku egtahay maalinta berri.

Sidoo kale Guddiga ayaa qoraalkooda ku sheegay in 31 Bishaan la dhageysan doono Khudbadaha ay jeedinayaan Musharaxiinta u tartameysa xilka Guddoonka Baarlamaanka labaad ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Guddiga Doorashada ayaa saakay wada howlihii ugu dambeeyay oo ku bilaabayan diiwaan-gelinta Musharaxiinta kala duwan, waxaana la filayaa in inta badan la diiwaaan geliyo xubnahaas.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa lagu wadaa in Maalinta Arbaca ah ee soo socota ay ka dhacdo Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed, waxaana Magaalada la dareemayaa ololaha Doorashada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media