Waxaa saakay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir lagu dhaawacay laba qof oo shacabka ah.
Dad goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in falkan uu ka dhacay agagaarka Saldhiga Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir,isla markaana loo geystay labo ruux oo shacab ahaa,halka wararka qaar ay sheegayan in ay ahaayeen Ciidamo ka tirsan dowlada.
Rag ku hubeysnaa Bastoolado ayaa la sheegay ay fuliyeen falkan dhaacawa loogu geystay labada qof oo watay Mooto,iyadoo goobta durbo ka baxsaday.
Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya kuwa Booliska ayaa gaaray Goobta,waxaana halkaasi ay ka sameeyeen baaritaano la xiriira falka.