Raashiya oo Duqeyntii Syria kadib Markab Dagaal u dirtay Saldhigga ay ku leeyihiin dalkaasi.

Ilo-wareed ayaa u sheegay Wakaalladda Wararka Raashiya ee TASS  in Markab dagal uu ku soo wajahan yahay Sdlhigga Ciiddanka Badda ee ay Rashiya ku leeyihiin magaalldda Tartus ee dalka Syria, kadib, markii ay Ciiddanka Maraykanka duqeeyeen Saldhig ku yaalla dalka Syria.

Markabkaasi oo ka soo shiraacdy Badda Black Sea ayaa la filayaa inuu isla maanta soo gaaro Dekedda magaalladda Tartus oo uu sii joogi doono muddo 30-maalmood.

Tallaabadan ayaa timid, kadib, markii ay Maraakiibta Dagaalka ee Maraykanka habeen hore duqeeyeen Saldhigga Ciiddanka Cirka ee Shayraat oo ku yaalla Gobalka Xomos ee dalka Syria.

Maraykanka ayaa sheegay in Diyaaradihii Sunta Kiiminkadda ku duqeeyey  Degmadda Khan Shaykhuun ka soo kaceen Saldhigaasi.

©Radio Dalsan

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media