Qubrus oo qorsheynaysa in la kala raro Qaxooti Somali iyo kuwo Carab oo ku dhex dagaalamay Xero Qaxooti.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Qubrus, Socratis Hasikos ayaa ku tilmaamay Iska horimaadkii ka dhacay Xarunta dadka Qaxootiga  lagu hayo ee Kifinou inaysan ka dhalanin Xaalladda Nololeed ee ka jirta Xeradaasi.

Waxa uu intaasi ku daray  in iska horimaadkii dhex maray in ka badan 100 Qaxooti oo ka soo kala jeeda dalalka Somalia iyo Syria uu salka ku hayo Kala-duwanaanshaha Dhaqanka, wuxuuna xusay inuu Iska horimaadkaasi ka bilowday mid ka mid ah Qaxootiga Soomaalida oo sarqaansanaa, waa sida uu hadalka u yiri.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Qubrus, waxa uu sheegay inay ka fekerayaan sidii Qaxootiga loo kala rari lahaa, iyadoo ay haatan Xaruntaasi ku nool yihiin ku-dhawaad 300 oo Qaxooti Magangelyo-doon ah.

Waxa kale oo uu xusay inay Boliska baarayaan sababaha dhaliyey Iska-horimaadkaasi oo uu tilmaamay in lagu qiimeyn karo Falal Dembiyeed.

Dhinaca kale, Iska horimaadkaasi dhex maray Qaxootiga Soomaalida iyo kuwa Suuryaanka inay ku dhaawacmeen 4 haween Somali ah iyo 4 nin oo u dhalatay dalka Syria, kuwaasi oo loo gudbiyey Isbitaallo ku yaalla caasimadda Jesiiradda Qubrus ee Nicosia iyo magaalladda Larnaca.

©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor